Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne QoorQoor oo Kulam Miradhal ah La Qaatay James Swan(Sawiro)

Madaxweyne QoorQoor oo Kulam Miradhal ah La Qaatay James Swan(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa la kulmay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan.

Madaxweynaha iyo Ergayga ayaa ka wada hadlay abaaraha dalka ku dhuftay iyo sida Qaramada Midoobay ay gacan uga gaysan lahayd arrimaha bini’aadanimada. Sidoo kale, madaxweynaha iyo Ergayga gaarka ah waxay kawada hadleen ladagaalanka argagixisada iyo sidii argagixisada looga xorayn lahaa guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Galmudug, iyadoo Galmudug ay dagaal aan kala har lahayn kula jirto argagixisada.

Ugu danbayn, madaxweynaha iyo Ergayga ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo sida hormar looga samayn lahaa dowlad dhiska Soomaaliya

Ad
Previous articleDuqeymo cirka ah oo ka dhacay Makelle & dad fara badan oo ku dhintay(Sawiro)
Next articleShabakad Shabaab ah oo qorsheynayey weeraro oo lagu burburiyey Muqdisho(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here