Home Wararka Maanta Duqeymo cirka ah oo ka dhacay Makelle & dad fara badan oo...

Duqeymo cirka ah oo ka dhacay Makelle & dad fara badan oo ku dhintay(Sawiro)

0

Maalintii labaad duqeymo cirka ah oo ka dhacay caasimadda gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa lagu dilay 10 qof sida ay sheegeen saraakiisha Isbitaalada

Dowladda Itoobiya oo tan iyo dabayaaqadii 2020 dagaal kula jirtay kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaan si degdeg ah uga jawaabin eedeymaha duqeymaha dagaalka iyo joogitaanka ciidamada Eritrea.

Duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee laga soo sheegay magaalada Mekelle ayaa daba socday heshiis xabad joojin ah oo ay kooxda TPLF soo bandhigtay dhamaadkii todobaadkan.

Dhaawacyada Mekelle waxaa ka mid ah aabe ku dhintay duqeyntii labaad iyo wiil uu dhalay oo dhaqtar ahaa oo dhaawacmay xili uu daryeelayay dhibanayaasha ayay tiri Fasika Amdeslasie oo ah dhaqtar ka tirsan Isbitaalka Ayder Referral Hospital ee Mekelle, Ilaa 13 qof ayaa ku dhaawacmay.

Shan ka mid ah dhibanayaasha ayaa dhintay iyadoo loo sii wado Isbitaalka, ayuu yiri Maamulaha guud ee Ayder Kibrom Gebreselassie. Shan kale ayaa ku dhintay isla goobta lagu magacaabo Dagim Amsal, ayuu yiri, isagoo soo xiganaya isku duwaha gurmadka ee Mekelle.

Kibrom waxa uu sheegay in isbitaalku uu la tacaalayay badbaadinta dadka dhaawaca ah sababta oo ah saadka oo gabaabsi ah, inta badan uu ka go’ay gargaarkii.

Dagaaladan ayaa waxa ku dhintay kumaanan qof oo shacab ah, waxa ay barakiciyeen malaayiin qof, waxay burburiyeen boqolaal dugsiyo iyo xarumo caafimaad, waxa kale oo ay gaajo u gaysteen gobolka Tigray oo markii horeba saboolnimo ay ragaadisay.

 

Ad
Previous articleAlshabaab oo Xalay Weerar Culus lagu Qaaday Lagana Dilay 18 Dagaal yahan
Next articleMadaxweyne QoorQoor oo Kulam Miradhal ah La Qaatay James Swan(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here