Madaxweynaha K/ Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa caawa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha
Waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno ka tirsan golahiisa wasiirada Soomaaliya iyo Kuwa Maamulka Konfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweyne Lafta-gareen loogama baran kulamada mucaaradka waana Madaxweynaha keliya ee aan hore ula kulmin madaxdii hore ee dalka iyo midowga musharaxiintaba.
Kulankaan ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in looga hadlaayo arimaha doorashooyinka dalka iyo sidii loo gaari lahaa xal ku saabsan doorashooyinka.
Ad