Ra’isul Wasaare Rooble iyo Safiirada Beesha Caalamka oo Kulan wada qaatay.

Ra’iisul Waasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardar gelinta iyo dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka

Kulankaan ayaa looga hadlay Dardar galinta Heshiiskii Baydhabo, iyo sida Looga Hortegi karo wararka sheegaya in Waqti kororsi ay sameeyaan Madaxda dowladda.

Ra’isul Wasaare Rooble iyo xubnaha Beesha Caalamka ayaa si aad ah uga hadlay sidii Loo hirgalin lahaa Doorasho dalka ka qabsoontay waxayna isla qaateen in Qalalaase aanan la abuurin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*