Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Madaxweyne Laftagareen oo aadan Madoobe kala hadlay Arimo Muhiim ah(Sawiro)

Madaxweyne Laftagareen oo aadan Madoobe kala hadlay Arimo Muhiim ah(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa xalay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)

Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha golaha shacabka  ayaa iska xog-waraystay Xaalada Dalka iyo sidii wax loogu qaban lahaa Dadka ay saamaysay Abaarta ee ku nool Guud ahaan Gobolada Koonfur Galbeed.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa u sheegay guddoomiyaha golaha shacabka in deegaanada Koonfur Galbeed xilligan ka jirto abaar daran oo saameesay kumanaan dad ah, waxa uuna xusay in muhiim tahay in dadkaasi loo raadiyo caawinaad ah.

Kulanka dhax maray Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha golaha shacavbka waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Ad
Previous articleSuudaan oo weerar ku qaadday Itoobiya
Next articleXamaas oo soo bandhigtay Muuqaalka Askari Israa’iili ah oo gacantooda ku jira (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here