Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Farmaajo oo Ka hadlay Geerida Ugaas Barre

Madaxweyne Farmaajo oo Ka hadlay Geerida Ugaas Barre

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Bulshada iyo Dowlad Goboleedka Galmudug geerida ku timid Alle ha u naxariistee Ugaas Axmed Barre Cali oo ku geeriyoodey magaalada Caabudwaaq.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Ugaas Axmed Barre Cali uu ahaa hormuud dhaqan oo lafdhabar u ahaa nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isaga oo door muuqda ka soo qaatay dadaalladii geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dib u heshiisiinta shacabka ku dhaqan deegaannada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Axmed Barre Cali, waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee doorka weyn ka soo qaatay dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta shacabka Soomaaliyeed ee deegaannada Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo Maanta ka Qeyb galay Aaska Ugaas Axmed Bare (Sawiro)
Next articleDoorashada Xildhibaanada aqalka sare ee Galmudug oo dib u dhacaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here