Home Wararka Somaliya Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud sida Baxdo

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud sida Baxdo

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa degmada Baxdo kula kulmay Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo Culumaa’udiinka magaalada.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay bulshada sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa bulshada Baxdo ka xog wareystay xaaladaha amni iyo kuwa bulsho ee magaalada, asagoona kula dardaarmay inay sii joogteeyaan garab istaagga howlgalada Ciidamada qalabka sida ee looga xoreynayo Al-Shabaab deegaanada Galmudug.

Maamulka degmada ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay garab siyaan ciidanka maamulka Galmudug.

Ad
Previous articleCiidanka Booliska ee Degmada Guriceel oo soo saaray Amaro Cusub
Next articleCadaado: Gadiidleyda Magaalada oo dhigay Banaan-baxyo Cabasho ah. Sawiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here