Home Wararka Somaliya Cadaado: Gadiidleyda Magaalada oo dhigay Banaan-baxyo Cabasho ah. Sawiro

Cadaado: Gadiidleyda Magaalada oo dhigay Banaan-baxyo Cabasho ah. Sawiro

0

Qaar kamid ah Gaadiidleyda ka howlgalla Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay dhigeen Banaanbax ay kaga cabanayaan QAadashada  taargada Cusub Ee Mamulka Galmudug.

Banaanbaxayaasha oo isugu yimid goob fagaaro ah ayaa sheegay in cabashadooda la xiriirto in lagu amray bixinta lacag farabadan oo looga iibinayo taargada, isla markaana taasi aysan awoodin.

Qaar kamid ah Gaadiidleya Magalada Cadaado ee banaanbaxa dhigay ayaa sheegay in gaadiidkooda ay ugu xiran tahay Taargada dowladda Soomaaliya, basle ay diyaar u yihiin qaadashada taargada Cusub ee Maamulka Galmudug, hayeeshee ay kasoo horjeedaan lacagaha faraha badan ee laga doonayo.

Waxaa ay sheegeen in muddo 20 Cisho ah aysan Shaqeysan, waxaana Madaxweynaha Galmudug ay ugu baaqeen in arrintaan uu soo fagageliyo inta aysan xaalada noqon mid meel xun gaarta.

Wasaaradda Gaadiidka dowlad Goboleedka Gamudug ayaa dhawaan sameeysay taargooyin Cusub oo la doonayo inay qaataan Gaadiidka ka howlgalla degaannada Galmudug, waxaana inta badan qaatay Gaadiideyda Magaalooyinka Galmudug halka Gaadiidleyda kale ay diideen.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo gaaray Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud sida Baxdo
Next articleDhageyso: Gudoomiyaha Gobolka Mudug ” Hala Toogto Ganacsadihii lacag siiya Al-Shabaab ”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here