Home Wararka Somaliya Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo ku soo Wajahan Muqdisho

Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo ku soo Wajahan Muqdisho

0

Madaxweyneyaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa in maanta ama beri  ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya si ay uga qeyb galaan Shir Todobaadkaan Gudahiisa Muqdisho ka qabsoomaya.

Madaxweyne Axmed Maxamed islaam madoobe iyo Madaxweyne Saciid Cabdullahi dani oo Marar badan Shuruurdo adag ku xiray Shirar uu Ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ayaa Muqdisho ku soo wajahan.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa Tibaaxaya in u jeedka imaashahooda Muqdisho uu ka dambeeyo, kadib cadaadis uga yimid xubnaha beesha caalamka ee Fadhigoodu yahay Xerada Xalane.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya inay ka qeyb-geli doonaan shir kale oo garoonka Diyaaradaha  Aadan Cadde  ee Muqdisho ku dhex-mari doono madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka.

Ujeedka shirka ayaa ah si loo dhameystiro Hishiiskii 17ka Septeembar 2020, kaasi oo qeexaya habraacyo muhiim u ah doorashooyinka dalka, maadaama weli muran xoogan uu ka taagan yahay.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa Loo arkayay inay Garwadeen ka yihiin Khilaaf xoogan oo ka taagan Arimaha siyaasada dalka.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dalka uu ku jiro xaalad siyaasadeed oo cakiran iyo marxlad adag oo kala guur ah.

 

Ad
Previous articleGuddiga Dowladda Somaliya u xil saaran Dhagaysiga Dacwada Badda oo Maanta ka ambabaxay Muqdisho
Next articleMagaalada caasimada Puntland Dadka ku nool oo Amaro lagu soo rogay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here