Home Wararka Somaliya Guddiga Dowladda Somaliya u xil saaran Dhagaysiga Dacwada Badda oo Maanta ka...

Guddiga Dowladda Somaliya u xil saaran Dhagaysiga Dacwada Badda oo Maanta ka ambabaxay Muqdisho

0

Wafdiga dowladda Soomaaliya u matalaya dhageysiga dacwadda Badda ee taala maxkamadda caalamiga ee Cadaalladda Adduunka ayaa goor dhow u ambabaxaya magaalada Hague

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed, waxaana wehliya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, waxaana guddigan qeyb ka ah qarreenada Soomaaliya difaacaya.

Dhageysiga dacwadda ayaa la filayaa inay bilaabato 15-ka bishan, iyadoo dhageysiga uu noqonayo mid toos ah, oo aaladda foggaan araga laga daawan doono.

Intii uu Madaxweyne Farmaajo xilka hayay illaa saddex jeer ayaa dib loo dhigayay dhageysiga dacwada, iyadoo ahaa codsi ay dowladda Kenya wadatay,

Hase ahaatee bil ka hor Maxkamadda ICJ ayaa diiday codsi ay dowladda Kenya markii afaraad dooneysay in dib loo dhigay, balse lagu gacan seyray.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed oo wariyeyaasha kula hadlay garoonka diyaaradaya ayaa sheegay in rajo wanaagsan ka qabaan in kiiskaas ay ku guuleystaan, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay u soo duceeyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii 2014 Maxkamadda Hague geysay dacwada Badda, oo ahaa muranka dhanka sohdinta badda ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Kenya oo muddo soo jiitamayay.

 

Ad
Previous articleSawiro:- Hobyo oo laga hirgaliyay Xaruunta Dhalinyarada ee Degmada yeelaneyso
Next articleMadaxda Jubbaland iyo Puntland oo ku soo Wajahan Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here