Home Wararka Maanta Madaweyne Sheekh Shariif iyo Taliska Boliiska Soomaaliya oo kulan wada qaatay (Sawiro)

Madaweyne Sheekh Shariif iyo Taliska Boliiska Soomaaliya oo kulan wada qaatay (Sawiro)

0

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil kale oo la socotay, ayaa Hooygiisa ku Booqday Madaxweynihii Hore ee Dalka Mudane Sheikh Shariif.

Kulankooda waxay uga hadleen arrimaha Amniga doorashooyinka iyo ahmiyadda ay Boolisku u leeyihiin.

Kulankaan waxaa la isku tusaaleeyay Muhiimadda ay u leedahay doorashada iyo in la iska kaashado amniga, iyagoo balan qaadey in Ciidanka Boolisku ay dhex-dhexaad ka yihiin murashaxiinta oo aan loo adeegsan doonin arrima Siyaasadeed.

Taliyaha Boliiska Soomaaliya ayaa Kulan la qaatay Xalay Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna Maanta Kulan kale la qaateen Madaxweyne Sheikh Shariif.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo Beesha Caalamka kulan la qaatay {Sawiro}
Next articleDowladda Soomaaliya oo shaacisay Kiisas cusub oo ku saabsan Carona

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here