Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo shaacisay Kiisas cusub oo ku saabsan Carona

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay Kiisas cusub oo ku saabsan Carona

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 39 qof oo cusub 48-dii saac ee la soo dhaafay, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 6,191.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 47 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland (23) Puntland (18) gobalka Banaadir (4) Hirshabeelle (1) iyo Jubbaland (3), taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 14,415.

Bukaannada cusub 30 ka mid ah waa rag 17-na waa dumar, 48-kii saac ee ugu dambeeyay 2 bukaan ayaa u geeriyootay COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 747 qof.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.

Ad
Previous articleMadaweyne Sheekh Shariif iyo Taliska Boliiska Soomaaliya oo kulan wada qaatay (Sawiro)
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here