Home Wararka Somaliya Jubbaland Maamulka Gobalka Gedo oo Diiday in Guddigii Rooble Magacaabay aytagaan Garbahaareey

Maamulka Gobalka Gedo oo Diiday in Guddigii Rooble Magacaabay aytagaan Garbahaareey

0

Gudoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Mudane Axmed Buulle Gareed oo wareysi siiyey VOA ayaa faah faahiyey warsaxaafadeed oo uu maamulka kasoo saaray xaaladda Garbahaarey & muranada hareeyey kuraasta taalla gudaha magaaladaasi.

Axmed Buulle ayaa shaaca ka qaaday in guddiga qiimeynta ee uu magacaabay ra’iisul wasaaraha uusan imaan karin gobolka Gedo, gaar ahaan Garbahaarey, wuxuuna tilmaamay in horey qiimeyn loo sameeyey, haddana ay diyaar u yihiin qabashada doorashada uun.

“Guddigaas isaga ah guddi aan aqoonsanahay ma’aha, guddi aan aqbaleynana ma aha, mana soo dhoweyneyno, mana noo imaanaayaan,” ayuu yiri guddoomiye Buulle.

Mar wax laga weydiiyey sababta ay ku diidan yihiin guddiga ayuu sheegay in uusan qayb ka aheyn heshiishii 17-kii September, isla-markaana laga leeyahay dano gaar ah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale soo jeediyey in shaqooyinkooda loo daayo guddiyada doorashooyinka ee hee federaal, heer dowlad goboleedka iyo xallinta khilaafaadka.

“Heshiiska kuma jiro Abuukaate Cumar Dhagey iyo guddigiisa, Heshiiska waxaa ku jira guddiga doorashada heer federaal, guddiga xallinta khilaafaadka iyo guddiga heer state inay doorashada qabtaan,” ayuu markale ku yiri wareysiga VOA Axmed Buulle.

Ad
Previous articleMadaxweynihii Hore ee Koonfurgalbeed oo loo Diiday inuu baydhabo usafro
Next articleMareykanka iyo Poland oo ka hadlaya in Diyaaradaha Dagaalka loo diro Ruushka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here