Home Wararka Somaliya Somaliland Laba Xildhibaab oo Golaha Shacabka Ka Mid Noqonaayo oo Goordhow la Doortay

Laba Xildhibaab oo Golaha Shacabka Ka Mid Noqonaayo oo Goordhow la Doortay

0

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada Kuraasta Labada Aqal ee Somaliland SEIT ayaa maanta qabtay doorashada kuraasta Golaha Shacabka waxaana saaka lagu kala guuleystey labo kursi.

Inta badan doorashada ka socota magaalada Muqdisho ee ay ku tartamayaan musharixiin ka soo jeeda gobolada waqooyi ayaa ah kuwo la isu tanaasulo oo tartan adag uusan ka dhicin.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#226 ayaa waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala ah Maryan Maxamed Ciise iyo Khadiija Cali Warsame.

Waxaana inta aysan dhicin doorashadaba ku dhawaaqday inay tanaasushay Khadiija Cali Warsame waxaana cod gacan taag ah oo gaareysa 95 cod ku guuleysatay Maryan Maxamed Ciise.

Sidoo kale waxaa isla saakaba la qabtay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#218,waxaana ku tartamay Dr Maxamed Elmi Ibraahim iyo Cabdiraxmaan Cismaan Xuseen.

Waxaana tanaasulay Cabdiraxmaan Cismaan Xuseen iyadoo uu ku guuleystey doorashadan Dr Maxamed Elmi Ibraahim oo helay codad gaaraya 98 cod.

 

Ad
Previous articleBankiga maraykanka oo wali ay Ku xanibantahay 7 Bilyan Oo Doolar oo Afganistaan Leedahay
Next articleDagaal ka dhacay Gudaha Magaalada Garowe ee Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here