Home Wararka Caalamka Bankiga maraykanka oo wali ay Ku xanibantahay 7 Bilyan Oo Doolar oo...

Bankiga maraykanka oo wali ay Ku xanibantahay 7 Bilyan Oo Doolar oo Afganistaan Leedahay

0

Bangiga Keydka ee Maraykanka ee kuyaalla magaalada New Yor waxaa ku xaniban lacag gaareysa 7 bilyan oo doolar oo leedahay dowlada Afganistan, waxaana go’aan ka gaarista lacagtan laga sugayaa maamulka Madaxweyne Biden.

Maxkamad ku taalla Mareykanka ayaa qoraal ay u dirtay Madaxweyne Biden kaga dalbatay in ay cadeeyaan sidii laga leeli lahaa lacagtan faraha badan ee leedahay dowlada Afganistan ee ku xaniban bangiga Keydka Mareykanka.

Qoraalka ayey maxkamadda uga dalbatay maamulka Biden ilaa 11-ka bishan in ay kusoo cadeeyaan saddex arrin oo lacagtaasi laga yeelayo midood ; in lacagtaas si abid ah loo xannnibo, in Afghanistan loo celiyo, ama in la siiyo qoysaska dhibbanayaashii weerarkii 11-kii September ee 2001-dii.

Garsooraha maxkamadda ayaa labo mar kordhiyey wakhtiga si uu dawladda u siiyo in ay sharci ahaan kala hufto keyska, hase yeeshee qareenka u dooddaya illaa 150 ka tirsan xigatada dhibanayaanshii 9/11 oo lagu magacaabo Anderw Maloney ayaa sheegay in lacagtan ay ahayd in go’aan laga gaaro xilli hore.

Dalka Afganistan oo talladiisa la wareegeen kooxda Taalibaan ayaa xiligan waxaa ka jira xaalad adag oo dhinaca dhaqaalaha, waxa ayna dad badan ku baaqeen in lacagta Mareykanka ku xaniban dib loogu celiyo dalkaasi si dhibaatada jirta wax loogu qabto

Ad
Previous articleOdayaasha Soo Xulaaya Ergada Dooranaysa HOP241 iyo HOP263 oo Lashaaciyay
Next articleLaba Xildhibaab oo Golaha Shacabka Ka Mid Noqonaayo oo Goordhow la Doortay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here