Home Wararka Maanta Kooxda kubadda cagta Chelsea Oo Heshiis La Gaartay Ciyaartoygii SADDEXAAD Saacado Gudahood

Kooxda kubadda cagta Chelsea Oo Heshiis La Gaartay Ciyaartoygii SADDEXAAD Saacado Gudahood

0

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa heshiis la gaadhay Monaco, waxaanay ogolaatay inay bixiso qiimaha ay kooxda reer France ku xidhay xiddiga khadka dhexe ee Benoit Badiashile, kaas oo si toos ah uga degi doona Stamford Bridge marka uu ka gudbo tijaabada caafimaadka.

Sida uu shaaciyey wargeyska The Athletic, Chelsea ayaa dalab £33 milyan oo Gini ah ka gudbisay Badiashile, kaas oo Monaco oo hore uga war-wareegaysayna ay ugu dambayntii ogolaatay inay xiddigeedan ku fasaxdo lacagtaas.

Xiddiga reer France ayaa la sheegay inuu waqti horeba heshiiska shaqsiga ah lasii gaadhay Chelsea, ayna kaliya hadhsanayd in ay labada kooxood isla meel-dhigaan qiimaha ay ku kala iibsanayaan.

Badiashile oo 21 jir ah ayaa tijaabada caafimaadka mari doona ka hor inta aanu tegin magaalada London oo uu ku saxeexi doono heshiis waqti dheer ah oo ka dhigi doonta ciyaartoygii saddexaad ee Chelsea ay lasoo wareegto suuqa January, waxaana ka horreeyey weeraryahanka Davide Datro Fofana iyo Andrey Santos.

Badiashile ayaa ciyaaraha ka bilaabay kulliyadda Monaco sannadkii 2016, waxaana uu kooxda koowaad usoo dallacay laba sannadood kaddib iyadoo ay waqtigaas da’diisu ahayd 17 jir, waxaanu illaa hadda u saftaya 135 ciyaarood oo uu u dhaliyey lix gool, saddex kalena caawiye ka noqday.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Dagaal Culus oo Alshabaab ku Dhexmaraaya Duleedka Degmada Xarardheere ee Galmudug
Next articleAlshabaab oo Maantay Lagala Warewgay Degaan Muhiim ah oo Ka Tirsan Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here