Home Wararka Maanta Alshabaab oo Maantay Lagala Warewgay Degaan Muhiim ah oo Ka Tirsan Galgaduud.

Alshabaab oo Maantay Lagala Warewgay Degaan Muhiim ah oo Ka Tirsan Galgaduud.

0

Ciidamada milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaanka Masagawaay oo kamid ah deegaanadda hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Sida ana wararka ku helnay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa gudaha u galay deegaanka Masagawaay ,kaddib markii halkaasi isaga baxeen dagaalyahanadii Al Shabaab ee horey ugu sugnaa deegaankaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dowladda ayaa sheegay in si buuxda ula wareegeen deegaanka Masagawaay, waxa ayna saraakiisha sheegeen in ay wadaan howlgalo ay kusii baacsanayaan Shabaabkii ka baxay deegaanka.

Waxa ay sheegeen saraakiisha ciidamada in howlgalkooda ay sii wadayaan ayna qorsheenayaan sida ugu dhaw in Al Shabaab uga saaraan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud oo qiyaastii 20-km u jira deegaanka Masagawaay .

Ciidamada dowladda ee garabka ka helaya kuwa deegaanka beesha Abgaal oo horey ugu guuleestay in Al Shabaab ka saaraan gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa markan gudaha u galay gobolka Galgaduud, waxa ayna doonayaan in Al Shabaab ka saaraan goobo badan ay ka joogaan Galgaduud.

Ad
Previous articleKooxda kubadda cagta Chelsea Oo Heshiis La Gaartay Ciyaartoygii SADDEXAAD Saacado Gudahood
Next articleWAR DEG DEG AH: Dagaal Culus oo U Dhexeeya Puntland iyo Soomaaliland oo Gordhow Bilowday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here