Home Wararka Maanta Khilaaf Xoogan oo la Xariira howlaha gurmadka oo Markale banaanka Yimid.

Khilaaf Xoogan oo la Xariira howlaha gurmadka oo Markale banaanka Yimid.

0

Xogaha laga helaayo gudaha dowladda Soomaaliya, ayaa sheegaya in xilligan uu jiro hardan xoogan oo salka ku haya gurmadka iyo gargaarka bini’aadanimo ee Soomaaliya oo xilligan ah mid si weyn isha loogu haayo, maadaama dalka ay ka jirto xaalad abaareed oo aad u daran.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa maalmo kooban ka dib, markii uu xafiiska la wareegay magacaabay ergay gaar ah oo ugu xilsaaran xaaladda arimaha abaaraha kaasi oo loo magacaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo loo gartay in uu yahay qof sumcad wanaagsan ku dhax leh bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ee Soomaaliya daneeya.

Ergayga ayaa qaaday tilaabooyin dhaxal-gal ah oo durba soo jiitay indhaha bulshada, waxa uuna waqti badan siiyay gaarista deegaanada ay ka jirta xaaladaha adag ee bini’aadanimo. Waxaa muuqatay in ay abuurantay albaab laga soo galo dowladda ee dhanka gargaarka iyo gurmadka kaasi oo isku xiray hay’adaha caalamiga ah iyo dowladda.

Magacaabista ergayga ayaa si sahlan meesha uga saartay wasaarad ku magacaawneed gargaarka, waxaana hoos u dhacday in la maqlo magaca wasaaradda ama ay ahaato mid leh shaqo muuqato.

Magacaabista golaha wasiirada, ayaa laga dareemay ahmiyadda madaxweyne Xassan u leeyahay ergaygiisa gaarka ka dib markii la baa-bi’iyay wasaaradda loona arkay in shaqadaas ay u wareegtay dhanka argayga.

Haddaba maxaa dhacay?

Xafiiska ra’iisulwasaaraha waxa uu leeyahay sarkala u qaabilsan xaaladaha degdeg ah (Emergency respose) waxa uuna si xafiiskan uu xariir lalahaa hay’adaha samafalka oo ay is weydaarsan jireen xogaha.

Ilo muhiim ah, Ayaan ka soo xigtay in sarkaalka xafiiska ra’iisul wasaaraha uu si weyn u saluugsanaa arinta una arkayay in shaqadiisa ay u wareegtay dhanka ergayga.

Ha’yadaha ayaa durba u arkay in ilinka kaliye ee ay kala macaamilayaan gargaarka uu yahay Cabdiraxmaan, waxaana la sheegay in fariimo badan oo la diray laga dalbay xafiiskayda diray in ay soo marsiiyaan ergayga gaarka ah ee abaaraha.

Xukuumadda, ayaa hadda iyada oo ku joogta dhabaha ah siinaya awoodda in ay iyada aytahay fulinta laamaha dowaldda, waxa ay u arkaan in shaqadan loo magacaabo hay’adda maaraynta musiibooyinka kaasi oo xalay looga dhawaaqay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Wasaaardda arimaha gudaha iyo federaalka, ayaa xilligan rabta in ay shaqadaas ay qabato lana wareegto mas’uuliyadeeda oo boorka laga jafo wasaaraddan oo in muddo ah shaqadeeda laga haayay xafiiska ra’iisul wasaaraha.laga soo bilaabo xukuumaddii Khayre oo la’aaminsanyahay in wasaaradda ay meesha ka saareen, lagana dhigay magac u yaal aan awood badneyn.

Hadda waxaa muuqata in hardan loogu jiro arimaha la xariira gurmadka abaaraha, ayna jiraan dano badan oo ku gaydaaman. Ra’iisulwasaare Xamse ayayse hadda hortaala in uu jaheeyo lana ogaado ujeedka sida gaarka loogu xusul duubaayo arintan.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Alshabaab ku laayay Howlgal Qorshaysan
Next articleMadaxda Hirshabelle oo gaaray Maxaas iyagoo ku libisan Tuutaha Ciidanka (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here