Home Wararka Caalamka Khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Istanbul oo kordhay

Khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Istanbul oo kordhay

0

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay 53 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay goob mashquul badan oo ku taalla bartamaha magaalada Istanbul, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalka Turkiga.

Qaraxa ayaa ka dhacay waddo laga dukaameysto oo ku taal fagaaraha Taksim, sida uu sheegay barasaabka magaalada Cali Yerlikaya.

Ma cadda waxa sababay qaraxan ay dadka ku dhinteen. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dambiilayaasha la ciqaabi doono.

Weriyaha BBC-da Orla Guerin, oo goobta ku sugan, ayaa sheegay in ciidamo aad u badan ay ku sugan yihiin agagaarka waddada Istiklal, oo imika ay booliiska xireen.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa ku wareegayay dusha sare iyadoo gawaarida gurmadka degdega ay halkaasi gaareen

Ad
Previous articleFaransiiska oo soo saaray Go’an ka dhan ah Safarada Taliyaaniga
Next articleQalab militari oo uu Turkiga muddo ka codsanayay Mareykanka oo uu hadda sameystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here