Home Wararka Caalamka Faransiiska oo soo saaray Go’an ka dhan ah Safarada Taliyaaniga

Faransiiska oo soo saaray Go’an ka dhan ah Safarada Taliyaaniga

0

Dagaalka ereyada ah ee markabka badbaadada Viking-ka ee badweynta ayaa horseeday in Faransiiska uu ku soo rogo koontaroolka baasaboorka Talyaanig.

Muran dublamaasiyadeed oo sii xoogaysanaya oo u dhexeeya Faransiiska iyo Talyaaniga oo la xidhiidha muhaajiriinta ayaa sababay in Faransiisku soo rogo kontaroolada baasaboorka ee xuduudka ay wadaagaan koonfur-bari ee ay deriska yihiin,

waxaana dhinaca Talyaaniga lagu arkayay isu socodka dadka oo taagan meel ka baxsan magaalo xuduudeedka Talyaaniga ee Mediterranean-ka.

Muhaajiriintaas aan soo gaarin Menton ee dhanka Faransiiska ee xuduudka, ama aan xitaa isku dayin in ay dhaafaan koontaroolka baasaboorka, ayaa sii joogay Talyaaniga, iyaga oo ka dhistay hoy ku meel gaar ah oo ay hoos maraan waddo weyn.

Faransiiska ayaa u diray 500 oo qof si ay u xoojiyaan xadka Dhab ahaantii baabuur walba waa la istaajiyay Axadii, albaabbada dambe ayaa la hubinayay waxaana la sameeyay tabeelooyin waaweyn, sida ay AP sheegtay.

Tallaabadan ayaa timid ka dib toddobaadyo dagaal afka ah oo u dhexeeyay waddamada, kaas oo ka sii daray masiirka markabka Badbaadinta ee Ocean Viking.

Ad
Previous articleXaruun Qaxooti oo laga dhisayo Garoonka Diyaaradaha Berlin ee Germalka
Next articleKhasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Istanbul oo kordhay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here