Khadar Adan oo Ka mid ahaa Dadkii Guriga Farmaajo lacagta Ugu Deeqay oo La Xiray iyo Sababta oo la ogaaday

Mid ka mid ah raggii sida weyn ugu ololeynayey guriga la sheegay in loo dhisayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu xiray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Khadar Jigre Adan ayaa ka mid ah 48 qof oo Waaxda Cadaaladda Mareykanka ay ku dhowaaqday dacwado ka dhan ah, ayada oo lagu eedeeyey inay ku lug yeesheen xatooyadii ugu weyneyd Mareykanka ee lagu sameeyey lacago looga talo-galay gargaarka COVID-19.

Khadar iyo 47-ka qof ayaa loo haystaa kaalinta ay ku lahaayeen $250 milyan oo laga xaday barnaamij ay dowladda federaalka Mareykanka ugu talo-gashay nafaqeynta caruurta.

Sida ku cad website-ka Waaxda Cadaaladda Mareykanka, Khadar Jigre Adan, oo ah 59 jir degan magaalada Lakeville ee gobolka Minnesota, ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan khiyaano lacag, wax isdaba marin iyo been xalaaleyn lacag.