Kenya oo fulisay Mid kamid ah Qodabadii ay Heshiiska kula gashay Madaxweyne Xasan Shiikh

Dowladda Kenya ayaa fulisay qodob kamid ah heshiiskii ay dhawaan la saxiixatay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Qodobka ay fulisay Kenya ayaa la ah in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee heysta baasaboorada Diplomatic iyo Service ay hadda kadib Visaha Kenya ka qaadan doonaan gudaha garoonka diyaaradaha ( On Arrival).

Warqad kasoo baxday hey’adda duulista rayidka ee dowladda Kenya ayaa diyaaradaha lagu amray inay la socdaan in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee heysta Diplomatic  ama warqad ka hesto wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya inay soo qaadi karaan maadaama loo ogolaaday inay VISAHA ka qaataan gudaha garoonka.

Tallaabada ay qaaday dowladda Kenya ayaa kusoo aadeyso xilli dowladda Soomaaliya ay fulisay heshiiskii ay Kenya la gashay ee ahaa in dib loo fasaxo ganacsiga Qaadka.