Haweenay Soomaali ah oo Kenya ay ku xukuntay 20 sano oo xabsi ah

Maxkamad ku taalla magaalada Mandheera ee dalka Kenya ayaa 20 sano oo xabsi ah ku xukuntay haweeney Soomaali ah oo si sharci darro ah u haysatay hub.

Haweeneydan ayaa lagu eedeeyay dambi ah inay hubka kasoo xaday booliiska Soomaaliya, una baxsatay dalka Kenya ee deriska la ah.

Garsooraha Maxkamadda Mandheera Kimani Mukabi ayaa ku helay Jamiila Macallin Xuseen Eymoi dambiga ay gashay March 2021, wuxuuna caddeymo kadib ku xukumay 20 sano inay ku qaadato xabsi dhexdiis.

Jamila waxa ay qiratay dambiga iyada oo qaadatay rafcaan 22-kii Abriil, 2022, laakiin markii dambe waxa ay ka noqotay racfaankeeda markii ay xeer ilaalintu difaacday dambiga lagusoo oogay.