Home Wararka Caalamka Joebiden oo Digniin afka ah u Diray Ruushka Xili Dalka Ukrain Dagaal...

Joebiden oo Digniin afka ah u Diray Ruushka Xili Dalka Ukrain Dagaal Ba,an uu ku socdo

0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin u dusha u ridan doono mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata duulaanka uu ku qaaday Ukraine.

Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanka iyo gaashaanbuurta Nato ay muujiyeen taageerada ay u hayaan reer Ukraine.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in lala xisaabtamo wax uu ugu yeeray kuwa kalitaliska ah oo uu tilmaamay inay horseedayaan dhibaatooyin horleh.

 “Haddii kuwa kalitaliska ah lala xisaabtami waayo dhibaato weyn ayay horseedeyaan” ayuu yiri madaxweynaha waddanka Mareykanka.

Biden oo hadallo kul kulul ku canaantay Putin ayaa sidoo kale xusay in weerarka Ruushka uu ku qaaday Ukraine uu yahay mid aan laga fiirsan.

“Putin wuu nagu khaldamay, diyaar baan nahay,” ayuu khudbad sanadleh ah oo uu jeeiyey madaxweyne Joe Biden.

Xaaladda Ukraine ayaa weli qasan, wuxuuna dagaalku galay maalintiisii todobaad, iyada  duqeymihii u dambeeyey ay ku dhinteen 21 qof, kuna dhaawacmeen 112 qof oo kale.

Ad
Previous articleCabdullahi Godax Barre oo Dhaliilay Doorashada Baladweyne kasocota Xili uu utartamaayo #HOP063
Next articleDeg Deg: Askari Ka Tirsan Ciidamada Galmudug oo Hub la Goostay una Galay Ahlusuna Waljamaaca(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here