Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Cabdullahi Godax Barre oo Dhaliilay Doorashada Baladweyne kasocota Xili uu utartamaayo #HOP063

Cabdullahi Godax Barre oo Dhaliilay Doorashada Baladweyne kasocota Xili uu utartamaayo #HOP063

0

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre oo haatan ahna musharrax markale u tartamaya Golaha Shacabka ayaa gaaray Beeldweyne isaga oo ka hadlay doorashada ka dhaceysa gudaha magaaladaas.

Goodax Barre oo u sharraxan kursiga tirsigiisu yahay hop#063 ayaa si guud u dhaliilay hannaanka ay ku socdaan doorashooyinka dalka oo ah nooc dadban.

Wasiirkii hore ee waxbarashada ayaa shaaca ka qaaday in doorasho wax la yiraahdo aysan ka socon dalka, balse ay tahay waxa socda xulasho, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in markii hore uu ku tala-galka ahaa in la qabto doorasho xalaal ah oo ay si sax ah wax usoo dooranayaa ergada 101-ka ah.

“Doorashadan waddanka ka dhaceysa dhammaantiin waad la socotaan wax doorasho la yiraahdo oo qurux doorasho leh kama muuqato. Ku talagalku wuxuu ahaa doorasho xalaal ah oo ergooyinka soo doortaan,” ayuu yiri wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya.

Waxa kale oo uu hadalkiisa sii raaciyey “Anigu waxaan iraahdaa doorasho maahinee waa xulitaan ee xulitaan kaliyane maahinee waxaa la socdo xaraash,”.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday doorashada ka dhaceysa degmada Beledweyn ee uu isaga u tartamayo, wuxuuna tilmaamay inay ku rajo weyn yihiin inay tusaale u noqdaan waddanka intiisa kale, ayna beeshu gacanteeda kusoo xulato xildhibaanada metalaya.

“Annaga waxaan rajeyneynaa inaan tusaalo u noqono waddanka intiisa kale oo dadka aan rabno mas’uulka inay naga noqdaan ee nagu metalaan 275 ee baarlamaanka inaan gacanteena ku xulano,” ayuu markale yiri siyaasiga caanka ah Cabdullaahi Goodax Barre.

Si kastaba, Cabdullaahi Goodax Barre oo marar kala duwan si adag uga hadlay arrinta Beledweyne, kana horyimid ciidamadii la geeyey magaaladaas ayaa hada wajahaya loolan xoogan oo ku aadan kursiga uu u tartamayo, kaas oo maanta la shaaciyey jadwalkiisa

Ad
Previous articleCiidamada dalaayada Ku Booda ee Ruushaka oo Weerar Culus ku Qaaday Magaalada Kyif iyo Dagaal lagu Hoobtay ee ka Socda agaas
Next articleJoebiden oo Digniin afka ah u Diray Ruushka Xili Dalka Ukrain Dagaal Ba,an uu ku socdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here