Home Wararka Maanta Joe Biden: “Markii uu Putin sheegayay inuu adeegsanayo hubka Nukliyeerka kaftan kama...

Joe Biden: “Markii uu Putin sheegayay inuu adeegsanayo hubka Nukliyeerka kaftan kama aysan ahayn”

0

Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in halista nukliyeerka ay joogto heerkii ugu sarraysay tan iyo dhibaatadii gantaallada Cuba ee 1962-kii.

Isagoo ka hadlayay xaflad dhaqaale loogu uruurinayay Xisbiga Dimuqraadiga oo lagu qabtay magaalada New York – ayuu Mr Biden ku sheegay inuu fahansan yahay in Vladimir Putin uu sida hadalka uu u dhigay “uusan kaftamayn” marka isaga iyo saraakiisha kale ee Mareykanka ay ka hadlayeen in Putin xeelad ahaan uu isticmaalo hubka nukliyeerka, kaddib markii uu dhabarjab kala kulmay dagaalka Ukraine. Waxa uu intaasi ku daray in Mareykanku uu iskudayay inuu ogaado “habka” uu Mr Putin uga lug bixi karo colaaddan.

Hase yeeshee toddobaadkii hore, La taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka Jake Sullivan ayaa sheegay in Maraykanku anu  arag wax calaamado ah oo muujinaya in Ruushku uu si degdeg ah isugu diyaarinayo inuu isticmaalo hubka nukliyeerka.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa dabayaaqadii bishii Septembar ku dhawaaqay “qeyb ka mid ah abaabulka” ciidamo loo dirayo dalka Ukraine, wuxuuna ku hanjabay inuu awoodiisa oo dhan u adeegsado difaaca dhulka Ruushka, taasoo cabsi ka abuurtay caalamka

Digniinada hore Ruushka, ayay falanqeeyayaasha sheegeen in loo fasiran karo digniin ku socota wadamada kale si aysan u kordhinin ku lug lahaanshahooda Ukraine, haddii ay taasi dhici weysana ay danta ku khasbi doonto inuu isticmaalo hubka nukliyeerka.

Dhanka kale madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev oo isna goor sii horreysay hadlay ayaa u muuqday inuu meesha ka saaray madmadow kasta oo ku saabsan adeegsiga hubka nukliyeerka.

Medevedev wuxuu sheegay in hub kasta ay haysato Moscow, oo xitaa uu jiro hubka istiraatiijiga ah ee nukliyeerka, loo isticmaali karo in lagu difaaco dhulalka ku biiray Ruushka ee ka soo go’ay Ukraine, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

“Reer galbeedka iyo guud ahaan muwaadiniinta dalalka Nato waxay u baahan yihiin inay fahmaan in Ruushku doortay waddadiisa,” ayuu yiri.Hubka Nukliyeerka ayaa jira muddo ku dhow 80 sano, dalal badan ayaana u arka mid ka hortagaya welina dammaanad qaadaya ammaankooda qaran.

Haddii Putin uusan guul ku gaari karin hubka caadiga ah, ma isticmaali doonaa amaba khiyaarka ma ugu jirtaa  hubka nukliyeerka?

Valeri Zaluzhnyi, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine, ayaa ka digay maalmo ka hor:

“Waxaa jirta khatar toos ah oo ah in ciidamada qalabka sida ee Ruushka ay isticmaali karaan hubka nukliyeerka duruufo qaarkood.”Ma jiraan calaamado cad oo argagax leh oo muujinaya in Kremlin-ka uu argagaxsan yahay.

Telefiishanka dawladda Ruushku yididiilo ayuu muujinayaa. Wuxuu ka sheekeynayaa sida gantaallada Ruushka ay cagta u mariyeen tasiilaadka keydka tamarta ee Ukriane.

Ad
Previous articleCabdi Naasir Daa’uud oo Saakay la toogtay
Next articleInkabadan 10 Askari Oo NISA Iyo Haramcad Ah Oo Lagu Dilay Dagaal Qaraar oo Saakay Alshababa soo Qaadeen(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here