Home Wararka Caalamka Itoobiya oo ku dhawaaqday in Qaramada Midoobay ay gacan ka siin doonto...

Itoobiya oo ku dhawaaqday in Qaramada Midoobay ay gacan ka siin doonto dib u dhiska gobolka Tigray ee Dagaalka Ku Burburay

0

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in Qaramada Midoobay ay gacan ka geysan doonto dib u dhiska gobolka Tigreega oo muddo labaatan bilood ah ay burburiyeen dagaallo.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda ayaa dib u dhisi doona kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka, oo wali inta badan ay gacanta ku hayaan fallaagada Tigreega.

Mashruucan ayaa waxaa maalgelinaya Bangiga Adduunka, kaasoo bishii April noqday hay’addii ugu horreysay ee dhaqaale u sii daysa Itoobiya, xabbad-joojin kaddib.

Wixii markaas ka dambeeyay, dagaalladii ayaa inta badan joogsaday, waxayna dowladdu ogolaatay in ay dib u bilowdaan kolonyada gargaarka ah. balse gobolka Tigreega ayaa waxaa weli ka maqan adeegyadii muhiimka ahaa (sida korontada, isgaarsiinta iyo bangiyada).

QM ayaa sheegtay in boqolaal kun ay qarka u saaran yihiin macaluul.

Ad
Previous articleDalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo oo si rasmi ugu biirtay ururka dalalka Bariga Afrika
Next articleGalmudug oo Dhismaha Golaha Degaanka ka Daahfurtay Degmada Cadaado(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here