Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug oo Dhismaha Golaha Degaanka ka Daahfurtay Degmada Cadaado(Sawiro)

Galmudug oo Dhismaha Golaha Degaanka ka Daahfurtay Degmada Cadaado(Sawiro)

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-Uheshiinta Galmudug Ayaa Degmada Cadaado ka daahfurtay Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Cadaado.

Waxaa ka qeyb galay Munaasabadan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, Agaasimaha Guud Wasaaradda Arimaha gudaha, Xildhibaano katirsan Galmudug, Siyaasiyiin reer Galmudug ah Iyo Maamulka Degmada Cadaado xubno ka socday hay’adda FCA iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee Cadaado.

Guddoomiyaha degmada Cadaado oo munaasabada hadalo furitaan ah ka jeediyey ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay u diyaarsan yihiin ku wareejinta xilka cidii la doorto, isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay in degmada Cadaado ay yeelato Markii sedaxaad gole degaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane Omar Abdi Mohamed ayaa codsadey in lala fududeeyo dhismaha golaha degaanka Cadaado isagoo xusey in bulshadu ay fursad u heli doonto inay soo doortaan golaha degaanka.

Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdiwayel) ayaa kawaramay faa’iidada shacabka Reer Cadaado ugu jirta iney sameystaan gole degaan oo la xisaabtama maamulka Degmada.

 

Ad
Previous articleItoobiya oo ku dhawaaqday in Qaramada Midoobay ay gacan ka siin doonto dib u dhiska gobolka Tigray ee Dagaalka Ku Burburay
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh iyo Raysulwasaare Xamsa oo kulan Xasaasi ah ka Yeeshay Dagaalki bosaaso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here