Home Wararka Caalamka Itoobiya oo diiday inay Qaabisho Madaxweyne Xasan Sheikh, sabab ?

Itoobiya oo diiday inay Qaabisho Madaxweyne Xasan Sheikh, sabab ?

0

Siyaabo kala duwan ayaa loo fasiranayaa in dowlada Ethiopia ka cudurdaaratay in ay qaabisho Madaxweynaha Soomaaliya oo Beri Addis Ababa tagi lahaa iyaga [Ethiopia] oo sababta ku sheegay jadwalkooda oo buuxa.

Waxaan ognahay in uu dhawaan Madaxweyne maamul goboleed uu Addis Ababa tagay, hadana ay hadda labbo Madaxweyne maamul goboleed oo kale ay Addis Ababa ku casumanyihiin oo ay dhawaan tagayaan halka Madaxweynihii Federaalka Md Xasan Shiikh Maxamuud loo diiday.

Waa dhaqan meelaha qaar ka shabaha Dowladii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Golihii SRRC oo dowladda Ethiopia ay magaalada Godeey ku aasaastay sannadkii 2001.

Inkasta oo ay Ethiopia xor u tahay siyaasadeeda arrimaha dibadda hadana dhaqankaas ma ahan mid ay dadka Soomaaliyeed jecleysanayaan – aniguna shaqsi ahaan uma arko dhibco siyaasadeed oo Xasan ka dhacaya ama isaga wax u dhibaya, waloow ay aheyd in Madaxweynuhu tallaabooyinkii uu qaaday uu aad uga fiirsado oo aanu Dab iyo dhagax (Ethiopia&Masar) kala xigsan balse uu kala dhowro maadaama ay isku hayaan qadiyado waaweyn oo uu Wabiga Nile.

Saadaasha muuqata ma ahan mid qurux badan waxaase looga gudbi karaa Midnimo Soomaaliyeed iyo Madax bisil.

Ad
Previous articleDhacdo argagax Leh oo Galmudug ka dhacday iyo 1 Qos oo dhacdadaan ay qabsatay
Next articleDeg Deg Qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here