Home Wararka Somaliya Puntland Isimada Dhaqanka SSC oo Go,aan kasoo Saaray Dagaalkii Ka Dhacay Garowe

Isimada Dhaqanka SSC oo Go,aan kasoo Saaray Dagaalkii Ka Dhacay Garowe

0

Isimada Dhaqanka SSC ayaa go’aano ka soo saaray shaqaaqadii habeeno ka hor Magaalada Garoowe ku dhexmartay Ciidamo kala taageersan hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Siyaasiyiinta ka soo horjeeda.

Garaad Jaamac Garaad Ismaacil ayaa sheegay iney u kaceen xal ka gaarista shaqaaqadaas, ayna ku guuleysteen inay la kulmaan labada dhinac.

Waxaa uu intaas ku daray inay Madaxweyne Deni ugu tageen Magaalada Qardho ayna meel wax isla dhigeen.

Wuxuu sheegay in ay la wareegeen Isimada dhaqanka Gobolada SSC xal ka gaarista shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Garoowe, isla markaana ay ku guuleysteen, balse wixii wada-hadallo kale ah dib la isugu soo laaban doono doorashada.

Hadalkan kasoo yeeray Garaad Jaamac Garaad Ismaacil oo kamid ah Dhaqanka Gobolada SSC ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Xeer Ilaaliyaha Puntland uu shaaciyay Magacyada siyaasiyiin lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen shaqaaqada oo loo jaray waaran lagu soo xirayo.

Ad
Previous articleDowlada Somalia oo gargaarkii ugu badnaa u dirtay Magaalada Baladweyne (Sawirro)
Next articleDr Kenneth Elliott oo sano u afduubna al-Qaacida oo la sii daayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here