Home Wararka Maanta Dr Kenneth Elliott oo sano u afduubna al-Qaacida oo la sii daayay

Dr Kenneth Elliott oo sano u afduubna al-Qaacida oo la sii daayay

0

Dhaqtar u dhashay dalka Australia oo 88 jir ah, oo muddo ka badan toddobo sano ay al-Qacida ku haysteen Galbeedka Afrika, ayaa la sii daayay.

”Dr Kenneth Elliott waa badqabaa waana wanaagsan yahay wuxuuna dib ula midoobay qoyskiisa, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Australia.

Isaga iyo xaaskiisa ayaa sanadkii 2016-kii laga soo qafaashay meel u dhow xadka u dhaxeeya Mali iyo Burkina Faso, halkaasoo ay ka howlgalayeen xarun caafimaad in ka badan 40 sano.

Al-Qaacidada Maqribul Islaami ayaa sheegtay xilligaa inay afduubteen lamaanahaan.

Kooxda ayaa sii daysay xaaskiisa Jocelyn saddex toddobaad ka dib, sababo la xiriira cadaadis dadweyne iyo wax ay ku tilmaameen “hagid” ay ka heleen hoggaamiyeyaashooda oo ku saabsan in aan haweenka loo adeegsan dagaalka.

Ad
Previous articleIsimada Dhaqanka SSC oo Go,aan kasoo Saaray Dagaalkii Ka Dhacay Garowe
Next articleWararkii ugu dambeeyey ee ololaha doorashada Turkey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here