Home Wararka Maanta Imisa Musharax ayaa ilaa Haatan Qaadatay Shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweymaha Soomaaliya(Magacyada+Sawiro)

Imisa Musharax ayaa ilaa Haatan Qaadatay Shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweymaha Soomaaliya(Magacyada+Sawiro)

0

Guddiga isku dhafka ah ee qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta diiwaangeliyay sidoo kale siiyay shahaadada musharaxnimo dhoor Musharax oo u tartamaya qabashada jagada Madaxweynaha Soomaaliya.

Diiwaangelinta musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta bilaabatay ayaa durba waxaa xafiiska guddiga doorashada tagay kana qaatay shahaadada dhoor musharax ay ku jiraan kuwa saameyn xooggan leh.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed hadana mar kale u sharaxan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa noqday musharaxii ugu horeeyay ee maanta qaatay shahaadada musharaxnimo.

Musharaxiinta kale ee maanta isdiiwaan galiyay ayaa waxaa kamid ah

1-Sheekh Shariif Sheekh Axmed

2-Daahir Maxamuud Geelle

3-Cabdulaahi Cali Xasan

4-Bashiir Xaaji Cali

5-Cabdulqaadir Cosoble Cali

Waxaa sidoo kale la filayaa in labada maalin ee soo socota is diiwaangeliyaan musharaxiin kale oo badan uu ku jiro Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Farmaajo oo mar kale u tartamaya kursiga uu hada ku fadhiyo.

Ad
Previous articleDeni oo Dhabar jabin lama Filaan ah kala kulmay Xildhibaanada Puntland iyo Jubaland oo uu Ku Tashanaayay
Next articleAxmed Madoobe oo Si aan Caadi ahayn loogu Soo Dhaweeyey Muqdisho(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here