Home Wararka Maanta Howlgal Amaanka Lagu Xaqiijinaayo oo Ka Socda Magalaada Muqdisho(Sawiro)

Howlgal Amaanka Lagu Xaqiijinaayo oo Ka Socda Magalaada Muqdisho(Sawiro)

0

Ciidamo katirsan booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa xalay howlgal amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyay xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana howlgalkan looga hortagayay kooxaha falalka amni darro geesta.

Ciidamada ayaa inta ay howlgalka ku jireen waxa ay baaritaano ku sameenayeen mootooyinka nuucyadooda kala duwan iyo sidoo kale gaadiidka nuuca raaxada ay wataan shacabka.

Saraakiisha hoggaamineysay booliiska ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka caasimadda loogana hortgayay kooxaha hubeesan ee falalka amni darro magaalada ka geesta iyo burcada hubeesan.

Howlgalkan booliiska xalay ka sameeyeen xaafado katirsan magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xilli ciidamo cusub oo milatri sida booliiska u tababaran lagu wareejiyay amniga qeybo kamid ah caasimadda Muqdisho.

Ad
Previous articleAntónio Guterres oo Gaaray Baydhabo Xili uu Saakay Soo Gaaray Muqdisho+ujeedada Socdaalkiisa(Sawiro)
Next articleYuusuf Dabageed oo Soo Faragaliyay Khilaafka Ka Dhex Qarxay Cali Jayte iyo Guudlaawe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here