Home Wararka Maanta Hooyo iyo Gabdheheeda oo lagu dilay isku dhacyada Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta

Hooyo iyo Gabdheheeda oo lagu dilay isku dhacyada Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta

0

Haweeney heysata dhalashooyinka Israa’iil iyo Britain ayaa u geeriyootay dhaawacii soo gaaray saddex maalmood kaddib weerar ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto, kaasi oo lagu dilay labadeeda gabdhood.

Lucy Dee ayaa suuxsaneed tan iyo markii uu dhaawacu soo gaaray Jimcihii iyadoo ugu dambeyn u geeriyootay.

Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday gaari ay saaryeen iyada iyo labadeeda gabdhood ee kala ah Rina iyo Maia oo iyagana halkaasi ay ku geeriyoodeen.

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada baadi goobka gacan ku dhiiglayaashii dilka geystay.

Saraakiisha caafimaadka falastiiniyiinta ayaa sheegay in ciidamada Israel ay toogteen wiil shan iyo toban jir ah oo Falastiini ah intii lagu guda jiray duullaan ay ku qaadeen Daanta Galbeed ee la haysto.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa wiilka magaciisa ku sheegay Mohammed Fayez Balhan.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo kaabiga Ku Haaya Degmo Wayn oo Ku Taal Galmudug
Next articleBurcad dhac xeeladeysan ka waday degmo ka tirsan Muqdisho oo la qabtay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here