Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo kaabiga Ku Haaya Degmo Wayn oo Ku Taal Galmudug

Ciidamada Dowlada oo kaabiga Ku Haaya Degmo Wayn oo Ku Taal Galmudug

0

Taliyaha ururka 9-aad, guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor Maxamed Macalin Abuukar Xasan (Shaarib) oo ah ayaa sheegay iney 43km hadda u jiraan degmada Ceelbuur ee gobola Galgaduud.

Ceelbuur iyo Galhareeri ayaa ah degmooyinka kaliya ee ku hartay gacanta Al-shabaab guud ahaan gobolka Galgaduud

Maxamed Macalin Abuukar Xasan (Shaarib) ayaa sheegay iney maalmaha soo socda ay Ceelbuur ka saari doonaan wax uu ugu yeeray kooxda khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Ciidamada dowlada oo bilaabay maalmo ka hor wejiga labaad ee howlgalka ka dhan ah Al-shabaab ayaa shalay la wareegay degaanka Cali Afrax oo hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ka dib markii ay ka baxeen Al-shabaab.

“Kooxda Al-Shabaab waxay shalay shidaal la’aan awgeed saddax gaari uga carartay degaanka Ceel-juqow ka hor inta aysan gudaha u galin ciidamada dowladda” ayuu yiri Taliyaha ururka 9-aad, guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor

Waxaa uu sheegay inuu jiro khilaaf adag oo ka dhex jira Al-shabaabka ku sugan gobolada dhexe kaasoo ku saabsan iney isku dhiibaan ciidamada DF iyo in kale maadaama meel walba laga go’doomiyey, isagoo xusay in qaarkood ay  Gaajo iyo cuduro ugu dhinteen dhulka howdka ah.

Ciidamada DF iyo kuwa degaanka oo bilihii la soo dhaafay howlgalo xooggan ka waday gobolada dhexe ayaa wiiqay awoodii Al-shabaab ku laheyd degaanadaas, waxayna dileen kumanaan ka tirsan dagaalyahan, halka qaar kalena ay ku jiraan weli firxad.

Ad
Previous articleXoghayaha Guud ee Q/Midoobey oo Soo Gaaray Muqdisho iyo Xassan Shiikh oo kulan miro-dhal ah la qaatay (Sawirro)
Next articleHooyo iyo Gabdheheeda oo lagu dilay isku dhacyada Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here