Home Wararka Maanta Hay’adda UNHCR oo Germany ugu baaqday Fududeynta mideynta qoysaska kala maqan

Hay’adda UNHCR oo Germany ugu baaqday Fududeynta mideynta qoysaska kala maqan

0

Hayada qaxootiga ee UNHCR ayaa soo jeedisay talaabooyin muhiim ah oo lagu hormarinayo ilaalinta qaxootiga ku nool daafaha dunida. Maadaama ay door muhiim ah ka ciyaareyso siyaasada Yurub, Jarmalka waa inay xoojisaa dadaalkeeda, ayay tiri UNHCR.

UNHCR Jarmalka waxay ugu baaqeysaa dhinacyada siyaasada inay dardar geliyaan ballanqaadkooda ku aaddan heshiiska Geneva iyo in la xaqiijiyo ilaalinta qaxootiga adduunka oo dhan Fursadaha mideynta qoysaska gaar ahaan waa in la kordhiyaa, ayay hay’adda Qaramada Midoobay ku boorisay warqad la daabacay Arbacadii, Maarso 3 oo warbaahinta heshay.

Jarmalku waa tusaale ku dayasho mudan ilaalinta qaxootiga aduunka wuxuuna hayaa kalsooni weyn dal marti galinaya iyo mid ka mid ah deeq bixiyaasha ugu muhiimsan ee gargaarka caalamiga ah. Waa inay ka faa’iideysataa awoodan iyadoo ay wajaheyso caqabadaha aduunka ka haysta ilaalinta qaxootiga ee Yurub iyo adduunka, “ayay ku tiri Katharina Lumpp, madaxa UNHCR Jarmalka, warbixin ay soo saartay.

Qoraalkeeda ay u dirtay xisbiyada siyaasadeed ee Jarmalka kahor doorashooyinka qaranka bisha Sebtembar, UNHCR waxay ku qeexday afar meelood oo muhiim ah oo ay tahay in Jarmalku xoojiyo dadaallada ilaalinta qaxootiga: iyada oo loo marayo ballanqaadkeeda heshiisyada caalamiga ah; dowrkeeda siyaasada caalamka; saameynta ay ku leedahay siyaasada magangalyada Yurub, iyo; dowrkeeda martigalinta dib udajinta iyo mideynta reeraha.

Ad
Previous articleMadaxweyne Cali Mahdi uma geeriyoon Carona Balse waa Looga shakiyay
Next articleSweden oo diiwaangalisay Dhimashada 46 Qof Xili Corona uu sii kordhayo Maalmahan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here