Home Wararka Somaliya Madaxweyne Cali Mahdi uma geeriyoon Carona Balse waa Looga shakiyay

Madaxweyne Cali Mahdi uma geeriyoon Carona Balse waa Looga shakiyay

0

Cali Mahdi Maxamed, oo ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Yaxya Caamir oo kamid ah dadka aadka ugu dhawaa madaxweynaha oo idaacadda BBC-da la hadlay ayaa u sheegay in Cali Mahdi ilaa afar cisho kahor la keenay magaalada Nairobi kadib markii isaga iyo xaaskiisaba ay xanuunsadeen.

“Afar ama shan cisho kahor ayuu xanuun kusoo booday isaga iyo xaaskiisa, Isbitaalka Nairobi hospital ayaa la geeyay, marka hore waxaan uga shakinay cudurka corona balse dhaqtarka wuxuu inoo sheegay in labaduba uusan heynin corona”, ayuu yiri Yaxye Caamir.

Waxaa kale oo uu sheegay in neefta ay ku dhageysay, dhaqtarkuna uu ka deyriyay xaaladiisa saacadihii lasoo dhaafay.

Isbitaalka la geeyay ayuu sheegay in uusan ahayn mid la geeyo bukaanada feyraska qaba Corona.

.

Yaxye waxaa kale oo uu sheegay in xaaska Cali Mahdi ay wali ku jirto isbitaalka. Geerida Cali Mahdi ayaa waxaa ka tacsideeyay mas’uuliyiin hore iyo kuwa hadda xil haya dalka.

Mas’uuliyiinta ugu sarreeya dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadaysay geeridii ku timid Allaha unaxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in muddo sedax cisho ah loo sameyn doono baroordiiq iyadoo calanka Soomaaliyana hoos loo dhigi doono si loo muujiyo murugada geerida madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

Sidoo kale dowladdu waxaa ay sheegtay in loo saarayo guddi ka shaqeeya aas -qaran oo loo sameynayo marxuumka. Cali Mahdi wuxuu xilka madaxweynaha qabtay kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, 1991-kii.

Mar kale ayaa loo aqoonsaday in uu xilkaas sii hayo, waxaana ugu dambeyn sanadkii 2000 baddalay Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo Magacaabay Guddi ka shaqeeya aaska Madaxweynihii Hore ee Dalka
Next articleHay’adda UNHCR oo Germany ugu baaqday Fududeynta mideynta qoysaska kala maqan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here