Home Wararka Maanta Haweeney uur leh iyo Koox tahriibayaal oo khiyaano yaab leh Ku sameeyey...

Haweeney uur leh iyo Koox tahriibayaal oo khiyaano yaab leh Ku sameeyey diyaarad ku jirtay hawada

0

Ugu yaraan 28 qof oo tahriibayaal ah ayaa isku dayay inay ka baxsadaan diyaarad si deg deg ah ugu degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Barcelona ee ee dalka Spain. Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Diyaaradda ayaa ka soo duushay dalka Marooko, kuna sii jeeday dalka Turkiga balse waxay ku qasbanaatay inay si deg deg ah u degto, markii haweeney uur leh oo diyaaradda la socotay ay iska dhigtay inay foolatay, sida uu sheegay maamulka Spain.

Booliisku waxay qabteen 14 ka mid ah  oo ay ku jirto haweeneyda uurka leh. 14-ka kalena weli lama helin, waxaana baadi goobaya booliska

Waxaa loo maleynayaa inay doonayeen inay si sharci darro ah ku galaan Spain ugana sii gudbaan dalalka kale ee Yurub.

Kooxda ayaa ka booday diyaaradda isla markii ay furmeen albaabbada, iyadoo Shan ka mid ah maxaabiista ayaa isla markiiba diyaarad dib loogu celiyay Morocco, Arrin tan la mid ah ayaana sanadkii hore ka dhacday dalkaas.

Ad
Previous articleCiidamada Macawuusleyda oo dagaal kula wareegay Deegaan Hor leh oo Al Shabaab maamulayeen
Next articleQaar ka mid ah shacabka ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa ku ammaanay Axmed Rashiid inuu si wanaagsan wax uga qabtay amni darrada jirtay, gaar ahaan xilliyada Dacwad lagu soo oogay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here