Home Wararka Maanta Ciidamada Macawuusleyda oo dagaal kula wareegay Deegaan Hor leh oo Al...

Ciidamada Macawuusleyda oo dagaal kula wareegay Deegaan Hor leh oo Al Shabaab maamulayeen

0

Ciidamada macawuusleyda gobolka Hiiraan ayaa saakay weerar culus ku qaaday degaanka Buurweyn oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo fariisimo ku lahaayeen Al Shabaab.

Dagaal ayaa wararku sheegayaan in labada dhinac ku dhax maray deegaanka, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in halkaasi isaga baxeen Al Shabaab ayna la wareegeen ciidamada deegaanka .

Sargaal hoggaaminayay ciidamada deegaanka ee la wareegay deegaanka Buurweyn ayaa sheegay Al Shabaab jab xooggan ku gaarsiiyeen dagaal saakay ay la galeen, waxa uuna xusay in deegaanka si buuxda ula wareegeen ayna ka wadaan howlgalo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa horey ula wareegay deegaano badan oo kuyaalla gobolka Hiiraan, halkaas oo sannado badan Al Shabaab maamulayeen , balse hadda gacantooda ka baxday.

Ad
Previous articleAnfac Haashi oo kasoo muuqatay Liiska Musharixiinta Golaha Deegaanka Oslo
Next articleHaweeney uur leh iyo Koox tahriibayaal oo khiyaano yaab leh Ku sameeyey diyaarad ku jirtay hawada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here