Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Gudoomiye Cali Jayte oo ka Horyimid Qorshe uu Wartay Cali Guudlaawe Amar...

Gudoomiye Cali Jayte oo ka Horyimid Qorshe uu Wartay Cali Guudlaawe Amar Culusna Bixiyay

0

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka hor yimid qorshe uu watay Maamulka Hirshabeelle oo lagu doonayo in lagu mideeyo canshuurta labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe

Cali Jeyte ayaa la wareegay canshuurtii maalinlaha loo aruuriyay ee magaalada Beledweyne, xilli Maamulka Hirshabeelle uu qorsheynayay in lagu shubo qasnadda Wasaaradda Maaliyadda ee Magaalada Jowhar.

Cali Jeyte oo Baladweyne galay xalay waqtigii afurka ayaa ku amray xubno ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle inay isaga ka amar qaataan.

Isku-duwaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Hiiraan ayaa weji gabax kala kulmay masuuliyiinta canshuuraha kadib markii ay ku wargeliyeen in aysan suuragal xaggooda ka aheyn in lacagta lagu shubo qasnadda dhexe ee Hirshabeelle.

Warar dheeraad ah oo laga helayo Beledweyne ayaa sheegaya in la baajiyay shir jaraa’id uu qaban rabay Cali Jeyte, kaasoo uu kaga hadli rabay xaaladdan taagan, waxaana baaqashadiisa lala xiriirinayaa wadahadal dhexmaray Madaxweyne Cali Guudlaawe & Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Cali Jeyte oo markii dambe soo saaray qoraal dheer oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee ka jirta Gobolka Hiiraan, kuna saabsan arrinta canshuurta ayaa sheegay in shacabka Gobolka Hiiraan ay ku jiraan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, loona baahan yahay in laga taageero, taas bedelkeedana aan lagu sameyn hagardaamo iyo dhabar wareen, lagu wiiqayo guulahii la gaaray.

Cali Jeyte ayaa ku baaqay in la keeno hannaan Maaliyadeed oo daahfuran, oo la isla ogolyahay, sidoo kalana la helo xasilooni siyaasadeed oo lagu wada shaqeyn karo, lana ixtiraamo sarreynta sharciga ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Waxa uu sidoo kale sheegay in la ixtiraamo niyada ciidamada deegaanka ee safka hore ugu jira difaaca deegaannada Hirshabeelle, gaar ahaan Gobolka Hiiraan, oo maanta isha kaliya ee laga daryeelo ay tahay dhaqaalaha kooban ee ka yimaada canshuurta degmada Beledweyne.

Qoraalka Cali Jeyte ayaa u muuqda mid jawaab u ah, qorshaha Maamulka Hirshabeelle uu ku doonayo in lagu mideeyo canshuurta labada Gobol.

Ad
Previous articleAntonio Guterrs oo Maantay Kusoo Wahahan Muqdisho iyo Wadooyinka Muqdisho oo La Xiray
Next articleXoghayaha Guud ee Q/Midoobey oo Soo Gaaray Muqdisho iyo Xassan Shiikh oo kulan miro-dhal ah la qaatay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here