Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug oo Soo Gaaray Guriceel

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug oo Soo Gaaray Guriceel

0

Guriceel: Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug, Gaashaanle Dhexe Cabdulaahi Abuukar Xassan iyo saraakiil sare oo ka socota Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa galabta ka dagey Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, iyagoo u yimid baarista dagaal dhex marey ciidamo ka tirsan Booliiska iyo GorGor horaantii todobaadkan.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qaybta Galmudug ayaa sheegay in dirirta ciidamada dhex martay ee guriceel iyo Dhuusamareeb ka dhacdey ay aheyd mid ka baxsan dhaqanka suuban iyo shuruucaha ciidanka, isagoo balan qaadey in cid kasta oo baarista socota ku cadaato in ay ku lug laheyd Mas’uuliyada dagaalkii dhacey, la marin doono sharciga, maadaama dadaalada ciidanka dhex marey sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Baarista hordhaca ah ayaa lasoo wariyey in ay durba kiiskan ku lug yeesheen saraakiil ka tirsan Booliiska iyo Milatariga oo maxkamada kasoo hor muuqan doona todobaadyada soo socda.

 

Ad
Previous articleGobalka Banaadir oo Wacad ku Maray inay ka Hortagayaan Banaanbax Khamiista Dhici lahaaa
Next articleIsimada Puntland ayaa Sòo saaray Go’aan Culus oo Ka dhan ah Madaxweyne Siciid Deni PSFna Taageeray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here