Home Wararka Somaliya Gudoomiyaha Cadaado oo xafiiskiisa ku qaabiley wafdi ka socdey Hay,adda Save Childreen...

Gudoomiyaha Cadaado oo xafiiskiisa ku qaabiley wafdi ka socdey Hay,adda Save Childreen {Sawiro}

0
Kulankaan  oo ka dhacay xafiiska Degmada Cadaado ayaa waxaa ku wehliyey gudoomiyaha  Gudoomiye ku xigeenkiisa cadaado Nuur Yaroow Xayle iyo xoghayaha Degmada cadaado Duraan Goodir waxaana looga hadlayey Hormarinta Mashaariicda Hormarineed ee Save gacanta ku hayso iyo ku darista kuwo kale.
Save oo xarunteeda ugu wayn ee Galmudug ku leh Cadaado ayaa madaxdeeda ugu saraysa ee maanta booqashada ku yimid Xarunta Degmada cadaado uuna wehliyo madaxda Save ee Galmudug Cabdicasiis Xuseen waxa ay sidoo kale kormeereen isbitaalka guud ee degmada oo Hay,addaan ay gacanta ku hayso.
waxa ayna la kulmeen madaxda isbitaalka iyo hogaanka bulshada ee ka shaqeeya hormarinta isbitaalka iyagoona Balan qaaday in ay sii xoojin doonaan Adeegyada Muhiimka ah ee Bulshada u hayaan.
Gudoomiyaha Cadaado C/laahi C/raxmaan (Tootoole) ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyey madaxda Hay,adda Save shaqooyinka ay degmada iyo deegaanada hoos yimaada ka wado awgeed.
Ad
Previous articleCiidamada Galmudug iyo Kuwa DF oo Howlgallo Miina baaris ah ka sameeyay Wisil (Sawiro)
Next articleGudoomiye Cumar Finish oo Maanta Booqday Waddo dhib badan lagu qabay Maritaankeeda oo dhisme lagu bilaabay {Sawiro}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here