Home Wararka Maanta Gudoomiyaha aqalka sare oo Si kulul u Eedeeyay Ra’isul Wasaare Rooble

Gudoomiyaha aqalka sare oo Si kulul u Eedeeyay Ra’isul Wasaare Rooble

0

Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay raysal wasaare Rooble in aanu masuuliyad iska saarin xallinta khilaafka ka taagan doorashada xildhibaanada labada aqal ee Somaliland.

Warsaxaafadeed kasoo baxay guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in raysal wasaaruhu ka gaabiyay masuuliyaddii ka saarnayd habsami u socodka howlaha doorashooyinka qaran iyo inay doorashadu u dhacdo si xor iyo xallaal ah.

Guddoomiyaha aqalka sare wuxuu sheegay in raysal wasaaraha looga fadhiyo midaynta guddiyada doorashooyinka Somaliland oo khilaaf awgiis u kala jabay labo garab oo iskasoo horjeeda.

Ad
Previous articleCiidamo Milateriga ah oo Fadhiisin ka sameystay dueedka Dhuusamareeb (Sawiro)
Next articleMaydka laba wiil oo walaala ah ayaa laga helay Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here