Home Wararka Maanta Maydka laba wiil oo walaala ah ayaa laga helay Magaalada Beledweyne ee...

Maydka laba wiil oo walaala ah ayaa laga helay Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan

0

Meydka laba wiil oo Walaalo ahaa oo ku dhacay Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ayaa laga helay xaafada Buundaweyn ee magaalada Baledweyne maydkooda

Wiilashaan walaalaha ahaa ayaa shalay Wabiga uga dhacay xaafada Buundaweyn ehelada wiilashaan ayaa sheegay in Kiliga Waraaboole oo ka mid ah xaafadaha bledweyne  loona dabaal tago laga helay, waxayna doonayeen iney ku dabaashaan, maadama aysan iyagana dabaal aqoonin sidaasna uu wabiga ku qaaday.

Wiilasha Walaalaha ee meydkooda laga dhex helay wabiga Shabeelle ayaa lagu kala magacaabi jiray Qaalid Nuur Cadoow iyo Feysal Nuur Cadoow.

Wabiga Shabeelle ee dhexmara magaalada Baledweyne ayaa inta badan waxa uu qaada caruurta u dabaal tagta iyaga oo aanan garanen dabaasha, kuwaas oo muddo kadibna meydkooda uu soo tufo wabiga Shabeelle.

Ad
Previous articleGudoomiyaha aqalka sare oo Si kulul u Eedeeyay Ra’isul Wasaare Rooble
Next articleGudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Guddiga doorashada Maxay ka wada hadleen ?.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here