Home Wararka Maanta Guddiga Doorashada oo doortay Guddoomiye Cusub

Guddiga Doorashada oo doortay Guddoomiye Cusub

0

Kulan rasmi ah o ay maanta yeesheen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal ayaa u doortay Mudane Muuse Geele Yuusuf gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee guddiga.

Guddoonkaan cusub ee ku meel gaarka ah ayaa hawshiisu tahay qaban qaabada iyo qabashada gudoonka guddiga Qaran ee hagaya doorashada.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa dhisay guddi ka kooban shan(5) xubnood oo qabanaya doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka oo dhici doonta maalinta Axadda ee ku beegan 4-July-2021.

Guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro ayaa si rasmiya madasha shirka isaga casilay xilkii hore, isagoona ku wareejiyey gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee cusub.

Ad
Previous articleDowladda Mareykanka oo xaqeejisay in Ciidmaadii Somaliya ee Eleteriya Loo Diray ay itoobiya Gudaha ugaleen
Next articleDeg Deg Qarax ayaa goor dhaw ka dhacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here