Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada oo ansixisay heshiiska aasaasidda Ciidamada Bariga Afrika (Sawirro)

Golaha Wasiirada oo ansixisay heshiiska aasaasidda Ciidamada Bariga Afrika (Sawirro)

0

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey iyo Magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed iyo heshiiska aasaasidda Ciidamada Bariga Afrika.

Wasaaradaha amniga gudaha iyo gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amni iyo howlgallada dalka looga xoreynayo Al Shabaab, iyadoo toddobaadkan guulo waawayn ay ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanku ka gaareen dagaalka khawaariijta, isla markaana jab wayn la gaarsiiyay.

Golaha waxa uu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha oo u magacawday General Sulub Axmed Firin inuu noqdo Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Dhinaca kale waxaa Goluhu ansixiyay Heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika oo ay ku jiraan sagaal waddan, oo kala ah Soomaaliya, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Seychelles, Suudaan iyo Uganda.

Heshiiskan ayaa ujeedadiisu waxay tahay in la hirgeliyo hawlaha ilaalinta nabadda, ammaanka iyo xasilloonida gobolka.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Taliye Xijaar oo Xilka Laga Qaaday Iyo Taliye Cusub oo la Magacaabay akhriso Maamulka Uu kasoo jeedo
Next articleAaskariga Soomaaliga ah ee ka tirsanaa booliska Kenya Axmed Rashiid oo la amray inuu Deg deg iskusoo Dhiibo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here