Home Wararka Maanta Aaskariga Soomaaliga ah ee ka tirsanaa booliska Kenya Axmed Rashiid oo la...

Aaskariga Soomaaliga ah ee ka tirsanaa booliska Kenya Axmed Rashiid oo la amray inuu Deg deg iskusoo Dhiibo

0

Askarigii hore ee Booliska Kenya Axmed Rashiid oo loo haysto dacwad dil ah ayaa lagu amray in uu isku soo dhiibo xafiiska dambi baarista Gaarisa ee DCI ama haddii uu sidaas sameyn waayo loo jaro warqad lagu soo xirayo.

Amarkan ay soo saareen garsooreyaasha ayaa weji cusub u yeelay kiiska Axmed Rashiid, sida laga soo xigtay telefishinka Citizen ee ka hawl gala Kenya.

Garsooraha maxkamadda sare Kanyi Kimondo ayaa khamiista maanta ah amar ku siiyay booliska in Axmed Rashiid uu maro baaritaan caafimaad ka hor inta uusan qiran dambiga loo haysto.

Sharci ahaan, garsoore Kimondo ayaa ka codsaday Qareenka Axmed Rashiid oo lagu magacaabo Dustan Omari inuu hubiyo in macmiilkiisu uu sameeyo baaritaanka caafimaadka si waafaqsan xeerarka dalka.

“Baaritaan dhanka maskaxda ah ayaa shuruud lagama maarmaan u ah tuhmane kasta oo maxkamad dil looga soo oogo,” Garsooraha maxkamadda sare Kanyi Kimondo ayaa xukumay.

Si kastaba ha ahaatee, Omari ma uusan xaqiijin in macmiilkiisa uu diyaar u noqon doono baaritaanka caafimaadka sida ay amartay maxkamadda.

Khamiista, maanta ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 26 Janaayo, Rashid ayaa la filayey inuu qirto dacwadda dilka labada wiil ee dhalin yarada ah ee lagu eedeeyay.

Rashiid ayaa hadda wajahaya dacwad dil ah oo ka dhalatay dilkii Jamaal Maxamed iyo Maxamed Daahir oo ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

“Agaasinka danbi baarista (DCI) ayaa ku amray inuu isku soo dhiibo xafiisyadooda Gaarisa.”

“Haddii uu ku guul darreyto se, DCI-da waxay sheegtay inay soo saari doonaan waaran lagu soo xirayo Axmed Rashiid.”

Xaakimka dacwada gacanta ku haya ayaa ilaa 9-ka Febraayo, 2023 dib u dhigay dacwada Rashiid.

30-kii bishii lasoo dhaafay ee November ayuu Axmed Rashiid maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ka codsaday in kiiskiisa dib u eegis lagu sameeyo, isagoo ku dooday in dacwadda ka dhanka ah ay ku hoos duugan yihiin dano gaar ah.

Hay’adda dusha kala socota booliska Kenya (IPOA) iyo xafiiska dacwadda oogaha guud ayaa todobaadkii hore dalbatay in Axmed Rashiid uu hortago maxkamadda 8-da December, si uu uga jawaabo dacwadda loo haysto oo ah in March 2017 uu suuqa Islii ku toogtay labo wiil oo dhalinyaro ah.

Hase yeeshee, Askariga ayaa ku doodaya in labada wiil ee dilkooda loo heysto ay kamid ahaayeen koox dhac ka geysan jirtay xaafadda Islii, isla maalintaasna ay dhacayeen dukaamo ku yaalla dabaqa Amal Plaza ee Islii.

“Burcadda oo tiro ahaan gaaraysay toddobo ayaa rasaas ku furay ciidanka amniga iyo dadkii meesha ku sugnaa. Mid kamid ah burcaddaas ayaa watay qori la farsameeyay, waxaana lagu dilay is rasaaseyn dhexmartay isaga iyo booliska,” ayaa lagu sheegay codsiga uu Axmed Rashiid u gudbiyay maxkamadda.

“Burcadda oo tiro ahaan gaaraysay toddobo ayaa rasaas ku furay ciidanka amniga iyo dadkii meesha ku sugnaa.

Mid kamid ah burcaddaas ayaa watay qori la farsameeyay, waxaana lagu dilay is rasaaseyn dhexmartay isaga iyo booliska,” ayaa lagu sheegay codsiga uu Axmed Rashiid u gudbiyay maxkamadda.

Muuqaal la sheegay in laga duubay dhacdadaas ayaa u muuqda Axmed oo si bareer ah u tooganaya labada wiil ee Maxamed iyo Jamaal.

Ad
Previous articleGolaha Wasiirada oo ansixisay heshiiska aasaasidda Ciidamada Bariga Afrika (Sawirro)
Next articleMaxkamad ku taalla Kenya oo diblomaasi ku heshay dambi dil ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here