Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug oo Al-Shabaab oo laga dilay siddeed xubnood, lagana qabtay laba sarkaal...

Galmudug oo Al-Shabaab oo laga dilay siddeed xubnood, lagana qabtay laba sarkaal oo sare

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya howl-gal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka ay maanta ka sameeyeen deegaano ku dhow-dhow Galcad iyo Masagawaay ee gobolka Galgaduud ee dowlad-goboleedka Galmudug.

Howl-galkan ayaa waxay ciidamadu ku dileen siddeed ka tirsan dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena waxay gacanta ku soo dhigeen labo sarkaal oo sare.

Howl-galka ayaa waxa uu dhacay xilli ay ciidamadu ku jireen roondo sida uu sheegay taliyaha ciidamada militariga Soomaaliya ee gobolka Galgaduud Cismaan Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Taliye Cismaan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in labada sarkaal sare ee lasoo qabtay ay kooxda u qaabilsanayeen sirdoonka iyo canshuur uruurinta ee gobolka Galgaduud.

“Ciidanka Xoogga dalka waxa ay dileen 8 ka tirsan argagixisada, waxaana gacanta ku soo dhigay laba sarkaal oo sare oo u qaabilsanaa sirdoonka iyo canshuur uruurinta kooxdan ee ku sugan gobolka Galguduud, waxaan u gudbin doonnaa maxkamadaha ay khuseyso si loo soo qabto,” ayuu yiri.

Taliyaha ciidamada militariga Soomaaliya ee gobolka Galgaduud Cismaan Cabdullaahi ayaa waxa kale oo uu sheegay in howl-galladan ay guulo ka gaareen ciidamada, islamarkaana ay sii soconayaan inta la cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Howl-galladan ayaa imanaya kadib markii ay maalmo kahot ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay kordhiyeen howl-gallada kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan oo shaaciyay arrin uu hoggaankiisu la kowsaday oo ka dhaxleen dowladdii hore
Next articleCiidmada Uganda oo Sheegay inay ka Aarguteen Alshabaabkii Bulamareer Ku Weeraray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here