Home Wararka Maanta Ciidmada Uganda oo Sheegay inay ka Aarguteen Alshabaabkii Bulamareer Ku Weeraray

Ciidmada Uganda oo Sheegay inay ka Aarguteen Alshabaabkii Bulamareer Ku Weeraray

0

Taliska guud ee ciidamada howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay kasoo aarguteen Al-Shabaab oo Jimcihii lasoo dhaafay weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada uganda ku leeyihiin magaalada Buulo-Mareer oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo geystay khasaare xoogan.

ATMIS oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in ciidamadeeda iyo kuwa Xoogga dalka ay ka daba-tageen xubnihii Al-Shabaab ee weerarkaas ka dambeeyay, isla-markaana ay laayeen, sida ay hadalka u dhigtay.

“Ciidamada ATMIS iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku guulaystay in ay ka daba tagaan argagixisada Al-Shabaab ee baxsadka ah ee ku lug lahaa weerarkii xerada ciidamada ATMIS ee Buulo Mareer, iyagoo cagta mariyay tiro aad u badan oo argagixisadu ka mid ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska ciidamada ATMIS.

Sidoo kale howlgalka ayaa intaasi kusii daray inay soo furteen hubkii ay dagaalyahanada Al-Shabaab ka qaateen weerarkii dhowaan ka dhacay magaalada Buulo-Mareer.

“Ciidamada wadajirka ah ayaa sidoo kale soo furtay hub badan oo laga dhacay xerada Buulo Mareer,” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay ATMIS.

Waxaa sidoo kale taliska ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya uu carabka ku dhuftay inuu sii wadi doono howlgallada lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab.

“ATMIS waxa weli ka go’an la dagaalanka argagixisada, waxayna sii wadi doontaa in ay si dhow ula shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dawladaha xubnaha ka ah, iyo saaxiibada caalamiga ah si loo sugo amniga Soomaaliya” ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Weerarkii Buulo-Mareer oo ka mid noqday kuwii khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan ciidamada ATMIS ayaa waxaa cagta lagu mariyay guud ahaan saldhigooda magaaladaas.

Ad
Previous articleGalmudug oo Al-Shabaab oo laga dilay siddeed xubnood, lagana qabtay laba sarkaal oo sare
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab oo Weerar Qaraxyo Ku Bilowday Ku Qaaday Degaan Ka Tirsan Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here