Home Wararka Maanta Gabar caan ka ahayd barta YouTube oo aabbaheed qudha ka jaray

Gabar caan ka ahayd barta YouTube oo aabbaheed qudha ka jaray

0

Tiba al-Cali waxay ahayd gabar dhalinyaro ah oo firfircoon oo taageerayaal badan ku leh barteeda YouTube oo ay kaga hadli jirtay arrimaha bulshada.

Waxay bilawday channel-keeda kadib markii ay ka soo guurtay dalkeeda Ciraaq iyadoo da’deedu ahayd 17 jir sannadkii 2017-ka, waxayna ka hadli jirtay arrimaha guurka, isqurxin iyo waxyaabo kale. Tiba waxay u muuqatay mid faraxsan oo soo jiidatay tobanaan kun oo daawadayaal ah.

Bishii Janaayo ayay dib ugu laabatay Ciraaq si ay u soo booqato qoyskeeda – waxaana dilay aabbaheed. Si kastaba ha ahaatee, dilka looma maleynayo in uu ahaa mid “hore looga fikiray” waxaana aabaheed lagu xukumay lix bilood oo kaliya oo xarig ah.

Dhimashada Tiba waxay kicisay mudaaharaadyo Ciraaq oo dhan ah, waxaana dadka ay muujinayeen sida ay arrintaan uga xunyihiin. Tiba waxaa barteeda ku xirnaa kumanaan daawadayaal ah oo geerideeda aad uga naxay.

Waxay soo bandhigi jirtay muuqaalo maalinle ah.Muuqaalkeedii ugu horreeyay ee Noofambar 2021-kii, Tiba waxay ku sheegtay inay u guurtay Turkiga si ay u horumariso waxbarashadeeda, laakiin waxay dooratay inay sii joogto sababtoo ah waxay ku faraxsaneed nolasha ay gashay.

Sida ay wararku sheegayaan, aabaheed, Tayyib Cali, kuma raacsanayn go’aankeeda ah in ay u guurto Turkiga niyo in ay halkaa kula midowdo ninkeeda oo u dhashay Suuriya, kaas oo ay kula nooleed Istanbul.

Dilka gabadhaan ayaa dhacay dhowr bilood ka hor, hase yeeshee wali waxaa taagan walaacii uu falkaasi abuuray.

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad
Previous articleCiidmada Dowlada iyo kuwa Galmudug oo Dhul Hor leh Kasaaray Alshabaab
Next articleCiidamada Galmudug iyo Kuwa Deegaanka oo Kaabiga Ku haaya Degmada Bacaadwayn(Sawiro)